Wasiirka Batroolka & Macdanta XFS Daahir Shire oo la hadlay Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa ku wargeliyay in loo baahan yahay xal waara in laga gaaro dhibaatooyinka saameynta yeeshay ee laga dhaxlay Isbaarooyinka iyo amni darrada.
Daahir Shire ayaa sheegay in uu la kulmay qaar kamid ah Ganacsatada ugu weyn ee Gobolka Hiiraan una sheegeen in hoos u dhac weyn uu ku yimid badeecadihii & xoolihii ay iib geyn jireen sabab la xiriirta lacagaha looga qaato Isbaarooyinka.
Wasiir Daahir Shire ayaa tilmaamay in haddii la rabo horumar iyo barwaaqo la gaarsiiyo Gobolka Hiiraan in meel cad laga istaago dadka ka shaqeynaya dib u dhaca ee ku howlan amni darrada iyo isbaarooyinka sida uu hadalka u dhigay.
“Waddadaan dheer dadka ayaa lagu dhibaa, halkaan waxaa igu yimid Nin walaal ah oo ehelka ah, ahna Dadka ugu horreeya ee qaaraanka la weydiisto, waa gacmo deystay ayuu idhahay, waxa uu ii sheegay in uusan 8 bil neef rarin sabab la xiriirta in Ammaan darrada & jidkaas lagu jiro” Daahir Shire, Wasiirka Batroolka & Macdanta XFS.
Waxa uu dib ugu celiyay Odoyaasha dhaqanka ka falcelinta arrintaan maadaama qof kamid ah dadkaas burcadda ah haddii uu dhib geysto iyaga dib loogu soo celiyo, waxa uu soo jeediyay in inta aysan daba dheeraan arrintaasi laga hortago.