
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay duqeymo culus oo saacadihii la soo dhaafay laga fuliyay Buuralayda Caal-miskeed ee gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Mareykanka oo la shaqeynayaa Hay’adaha Amniga Soomaaliya ay fuliyeen duqeymo culus, luguna dilay xubno badan oo ka tirsan Daacish.
“Qiimeynta hore ee hawlgalka ayaa muujineysa in saddex xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeymaha, mana jiro wax dhibaato ah oo gaaray rayidka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Dowladda ayaa sheegtay in iyada oo kaashaneysa Taliska AFRICOM ay qiimeyn doonto natiijooyinka hawlgalkaasi, oo wali socda.
Duqeymo culus ayaa saacadihii la soo dhaafay laga maqlayay deegaanno hoos yimaada Buuraha Caalmiskaad ee gobolka Bari, waxaana sidoo kale wehliya dagaalka ay ciidanka Puntland ka wadaan halkaasi.