
Dagaal u dhaxeeya ciidamada xoogga iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyo AS ayaa ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Xubno ka tirsan AS ay weerar qaraxyo ku billaawday ku qaadeen Saldhig ay ciidamada xoogga ku leeyihin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Balcad ayaa sheegaya in xaaladda magaallada ay deggan tahay uuna jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka.Sidoo kale, AS oo muddo kooban ku sugnaa magaalada ayaa ugu dambeyn, isaga baxay.
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaalka Balcad ayaa sheegtay in ay ciidamada Amniga ku sugan gudaha magaallada, isla markaasna ay khasaare gaarsiiyeen xubnaha AS.
Degmada Balcad ayaa 35 KM u jirta caasimadda Muqdisho, waxaana dagaalka ku soo aadaya xilli la filayo in ay dalka yimaadaan wafdi sare oo ka socda dowladda Itoobiya.