Booliiska Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ayaa waxa uu uga hadlay qaraxyo xalay laga Maqlay qabyo kamid ah Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka dhacay Degmada Daarusalaam ee Gobolka Banaadir.
Waxa uu Booliisku ku sheegay dheemish aan wax khasaara naf iyo mid maaliyadeed geysan balse lagu qalqalgelinayay amniga sida hadalka loo dhigay, goobihii qaraxyadu ka dhaceen ayuu Booliisku tilmaamay in ay gaareen.
“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu bulshada Soomaaliyeed iyo saxaafadda u caddeynayaa in aysan jirin wax khatar amni ah oo ka jirta caasimadda Muqdisho. Kooxaha khawaarijta ayaa isku dayay inay abuuraan cabsi, iyagoo miinooyin been abuur ah ku dhajiyay xarun ganacsi oo ku taalla Degmada Daarusalaam” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Qoraalka ayaa lasii raaciyay “Miinooyinkaas waxaa la xaqiijiyay inay ahaayeen kuwo dheemish ah oo aan wax khatar ah geysan. Ma jirin wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay falkaas. Ciidanka Boliiska ayaa si degdeg ah uga jawaabay dhacdadan, kana qaaday tallaabooyin lagama maarmaan ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo kalsoonida bulshada”.
Ugu dambeyn Booliiska Soomaaliya ayaa Shacabka ka codsaday in ay kordhiyaan wadashaqeynta kala dhaxeysa Hay’adaha ammaanka ee mas’uuliyadda ka saaran tahay ilaalinta nafdooda, Hantidooda & Nabadgalyadooda.
“Taliska Boliiska waxa uu ugu baaqayaa shacabka inay nabadda kala shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee lagu qalqal galinayo bulshada Soomaaliyeed” ayaa lagu soo gabagabeeyay Warsaxaafadeedka kasoo baxay Taliska Booliiska Soomaaliyeed.
Muqdisho ayaa in muddo ah ka xasiloon maqalka dhawaqa qaraxyada, dad badan ayaa xalay marqura maqlay ilaa dhowr qarax, Ciidamo katirsan Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo tagay Degmada Daarusalaam ayaa sameeyay howlgallo ilaa haatan natiijada kasoo baxday lasoo bandhigin.