
Ciidamo katirsan kuwa ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo koox hubeysan ayaa barqonimadii maanta rasaas isku wiidaarsaday Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Dayniile Waaxda Ciise Cabdi.
Sida wararku sheegayan waxaa isla goobta uu ka dhacay weerarka lagu dilay 2 xubnood oo ku hubeeysnaa bistoolado,halka uu dhaawac soo gaaray askari kamid ah booliska kuwaasi oo lamaha amaanku ay sheegeen inay ka tirsanayeen Alshabaab.
Saraakiil katirsan ciidamada Booliiska, Nabadsugidda & Booliiska sida Militariga u tababaran ayaa goobta tagay, waxaana la xiray agagaarka halka ay wax ka dhaceen sida ay Daahshsomalitv u sheegeen ilo kala duwan oo xogtaan la wadaagay.
Qoraal kasoo baxay booliska Soomaaliya ayaa lagu yiri”Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Saaka Magaalada Muqdisho toogasho ku dilay laba nin oo Bistoolado ku hubaysan kana tirsan Khawaariijta oo doonayey inay dilaan Ciidamo howlgal ku jiray.
Waxaa ku dhaawacmay howlgalkan lagu khaarijiyey labadan nin Askari katirsan Ciidanka Boliiska oo ku guuleystay soo afjaridda dhagartii ay maleegayeen Khawaariijta ,waxaana gacanta lagu hayaa hubkii ay wateen iyo Maydkooda”.
Halka uu dilkaan iyo israsaaseynta ka dhacay waxaa dhowaan lagu dilay askari katirsan ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa dhinac socday baaritaanno kala duwna oo Hay’adaha amniga sameeyeen.