
Mucaaradka soomaaliya ayaa si weyn u muujiyay ka aragti duwanaanta Dowlada Federaalka Soomaaliya marka la joogo qaabka ay u maareeysay xiisada Jubbaland ee Soomaaliya iyo Doorashadii ka dhacday.
Fahad Yasiin xaaji daahir Agaasimihii hore ee Sirdoonka Soomaaliya ayaa ka hadlay xiisada kala dhaxeysa Mucaaradka Iyo Dowlada taasoo ka dhalatay Qadiyay Jubbaland.
Lataliye Fahad Yaasiin aya Mucaradka ku dhaliilay in ay taageeraan Axmed Madoobe oo jabiyay Dastuurka Jubbaland iyo in ay dowlada Madaxweyne Xasan ku dhalilaan Dastuur Jabin,taasi ayuu sheegay in ay tahay wax aan is qaban oo loo baahan yahay inay kala hufaan aragtidooda.
Wuxuu sheegay in uu hada eersanaayo Madaxweyne Xasan Sheekh hadaladiisii Xiligii uu aha Mucaaradka Soomaaliya,ayna haboon tahay in ay wax ka weydiiyaan isaga dhibta ay ku heyso wixii uu falay shalay.
Qoraalka Fahad uu ku daabacay Barta X ee loo garan Jiray Twitter ayaa u qornaa sidaaan:
๐ด๐๐ช๐ผ๐จ๐๐จ๐ฟ๐ฒ๐ผ ๐๐จ๐ ๐ฝ๐จ๐ผ ๐๐ฌ๐๐ฎ๐๐จ๐, ๐พ๐ผ๐ณ๐๐บ๐ ๐ฟ๐จ๐ฝ๐จ ๐ธ๐ผ๐ฉ๐ผ๐บ๐๐ฌ๐๐ ๐ณ๐๐ฌ๐๐ฐ๐๐ฐ๐๐ต Waxaa qurux badan in doodaha mucaaradka ay ku qotomaan afkaar iyo aragtii ee aysan noqonin mucaradnimo soo taagan kaliya.
Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh lagu diidan yahay hirgalinta dastuur aan la isku raacsanayn iyo doorasho aan heshiis lagu ahayn, sidee baa loogu hambalyeynayaa Axmed Madoobe, oo la ogyahay inuusan qabanin doorasho xalaal ah oo hufnaan iyo wada tashi aan ku dhisnayn, isagoo baddalay dastuurkii Jubaland, uuna toshay shaar la eg oo u ogolaanaya inuu xilka u tartamo laba jeer wax ka badan. Mucaaradnimo ku dhisan ku xumayn waxay dhashaa inaad lumiso jihaynta siyaasada, saxna maahan iney dhaqan noqoto in la taageero maamullada markay sharciga ku tumanayaan, iyadoo haddana Dowlada Federaalka lagu maagayo markay ku kacdo isla ficilladaas.
Waxaa ku habboon mucaaradka aragtiyadooda inay dhinac isku raacdo oo ay mabaadiiโ ku saleysan yihiin si mowqifkooda iyo qowlkooda loogu kalsoonaado.
Waxaa iga suโaale goormaan gaaraynaa mucaarad ku dhisan qiyam iyo mabaadiโ joogta ah? Xanuunka ay leedahay mucaaradnimo noocaas ah waxaa laga warsan karaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta dhibbane u ah khudbadihiisii waaguu mucaaradka ahaa.