
Waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Allaha u naxariistee fannaankii da’da yaraa Safwaan Xasan Aadan oo caan ku ahaa (Safwaan Halac) ka dib shil gaari oo uu ku galay wadada lagu magacaabo labada boqol ee gudaha Hargeysa sida uu da u xaqiijiyey Mudasir Xasan Aadan.
Waxaa kale oo shilka ku dhaawacmay saddex qof oo la socday fannaanka Safwaan Halac markii gaari ay wateen oo nooca raaxada ah uu ku gadoomay sida uu sheegay sarkaal ka tirsan isbitaalka guud ee Hargeysa.
Fannaan Cabdiraxmaan Muuse Dhamac, Cabdi yare oo ay bandhig ku wada-lahaayeen xalay Hargaysa ayna wada joogeen marxuumka saacado ka hor shilka ayaa sheegay inuu aad uga naxay geerida Safwaan.
“Xalay ayaanu bandhig ku wada qabanay Magaalada Hargeysa, markii uu dhamaaday, isaga isoo qaaday oo i keenay guriga Xidigaha Geeska, markii aan ka dagay ayey qolo kale la soo hadashay oo ay ku yiraahdeen kaalay na qaad, markii uu qaaday ayuu shilka galay, aad ayaan uga naxay markii aan maqlay inuu geeriyooday saaxiibkay Safwaan oo aan wakhtigaas geeridiisa la ii soo sheegay saacado ka hor aan wada joogay”ayuu yiri Cabdi Yare.
Wuxuu intaa raaciyey: “Alle ha u naxariistee Safwaan inta aan ka aqaanay wuxu ahaa Fannaan afgaaban, oo ummada ilaahay ka nabad gashay, waxa uu ahaa nin akhlaaq badan, oo aan dhac dhac aqoon,”