
Faransiiska ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dowlad ay leeyihiin Falastiin, isagoo noqday dalkii ugu dambeeyay ee dhowr dal oo tallaabadan qaaday.
Isagoo ka hadlayay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa yiri “waqtigii nabadda ayaa la gaaray” wuxuuna yiri “wax qiil ah looma hayo dagaalka Qasaka socda”.
Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa martigelinaya shir hal maalin ah oo ka dhacaya Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay kaas oo diiradda lagu saarayo qorshe xalka labada waddan. Waddamada G7 Germany, Italy, iyo US ma aysan soo xaadirin kulanka.
Belgium, Luxembourg, Malta, Andorra iyo San Marino ayaa sidoo kale lagu wadaa inay aqoonsadaan dowlad ay leeyihiin Falastiin, ka dib markii UK, Canada, Australia iyo Portugal ay Axadii ku dhawaaqeen aqoonsi.
Cadaadis caalami ah ayaa ku soo kordhaya Israa’iil oo ku saabsan dhibaatada bini’aadantinimo ee Qasa iyo deegaameynta dadka israa’iiliyiinta ah ee Daanta Galbeed.
Israa’iil ayaa sheegtay in aqoonsiga Xamaas uu ku abaal-marin doono weerarkii kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ay 7-dii Oktoobar 2023 ku qaadeen koonfurta Israa’iil halkaas oo ku dhawaad 1,200 oo qof lagu dilay laguna qafaashay 251 qof.
In ka badan 65,000 oo Falastiiniyiin ah ayay Israa’iil dishay tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee Qasa. Ciidamada Israa’iil ayaa hadda qaadaya weerar dhanka dhulka ah oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan magaalada Qasa oo ay ku nool yihiin hal milyan oo qof, waxaana bishii hore la xaqiijiyay macaluul halkaasi ka taagan.
Hoggaamiyaha Faransiiska ayaa shirka ka sheegay in la gaaray xilligii la joojin lahaa dagaalka, lana soo deyn lahaa inta harsan ee Israel ay gacanta wali ugu jira Xamaas. Wuxuu ka digay “khatarta dagaallada aan dhammaadka lahayn” wuxuuna yiri “xaqu waa inuu mar walba ka adkaadaa awoodda”.
Beesha Caalamku waxay ku guul-darraysatay inay nabad waarta ka dhisto Bariga Dhexe, waxaanu yidhi, “Waa inaan samayno wax kasta oo karaankeena ah si aan u ilaalino suurtogalnimada xal laba dawladood ah” oo loo arko “Israa’iil iyo Falastiin oo iska- garabsanaya nabad iyo amni”.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga Faisal bin Farhan Al Saud ayaa isna ka hadlay Qaramada Midoobay, isagoo ka wakiil ah Dhaxalsugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan.
Waxa uu ku celceliyay in xalka labada maamul uu yahay sida kaliya ee lagu heli karo nabad waarta oo ka dhalata gobolka.
Madaxa guddiga midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu samayn doono qaab cusub oo maaliyadeed oo ka shaqayn doona dib u dhiska Qasa.
“Dhammaanteen waa inaan sameynaa wax badan,” ayay u sheegtay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. “Tani waa sababta aan u samayn doono Kooxda Deeq-bixiyayaasha Falastiin.”
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa xaaladda Gaza ku tilmaamay mid anshax ahaan, sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba aan loo dulqaadan karin, wuxuuna sheegay in xal laba dawladood ah ay tahay “dariiqa keliya ee lagu kalsoonaan karo” ee nabadda dhexmarta Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.
Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas – oo laga hor istaagay in uu si shaqsi ah uga qeyb galo shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ka dib markii Mareykanka uu kala noqday dal ku galka isaga iyo mas’uuliyiinta kale ee Falastiiniyiinta – ayaa khudbad ka jeediyay shirka isagoo ka hadlayay khadka videolink.
Wuxuu ku baaqay xabbad joojin joogto ah, wuxuuna sheegay in Xamaas aysan wax door ah ku yeelan karin maamulka Qasa, isagoo ugu baaqay kooxda inay “hubkooda u soo dhiibaan” maamulka Falastiiniyiinta (PA).