Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa maanta darajooyin dalacsiin ah u xiray qaar kamid ah saraakiisha ciidanka illaalinta deegaanka Xamar kadib markii uu dalacsiiyay madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Taliyaha ciidanka illaalinta deegaanka Xamar Jeneraal Maxmed Cali Carabow ayaa ugu mahad-celiyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir dalacsiinta saraakiisha maanta dalacday ee darajada loo xiray, kuwaas oo door muhiim ah ku leh hogaaminta taliska.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in ciidanka illaalinta deegaanka Xamar ay laf dhabar u yihiin kaabayaasha dhaqaalaha, bilicda caasimadda, ka hortaga maandooriyaha iyo anshax xumada.
Sidoo kale wuxuu guddoomiyaha xusay in ay ka go’an tahay dhiira-gelinta iyo tayeynta ciidanka kala duwan ee dowladda.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan dallacsiin u sameysay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo sameeyay naf hurnimo.
Saraakiisha ayaa qeyb ka ah dhiiri-gelinta saraakiisha ciidanka ee geesiyaasha ah, iyada oo saraakiisha, saraakiil xigeennada iyo hoggaannada kala duwan ee ciidanka lagu abaalmariyo, laguna dalacsiiyay kartida iyo dhabar adayga ay ka muujiyeen howsha loo igmaday iyo howl-galka Shabaab.
Sidoo kale waxaa socda qorshe lagu dallacsiinayo saraakiil kale, xilli uu socdo gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo haatan maraya marxalad xasaasi ah.