
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday hakinta qayb ka mid ah howlgalkeeda caadiga ah, kadib markii dowladda Mareykanka ay gashay xaalad xirnaan dowladeed (government shutdown) oo saameynaysa adeegyada dowladda dhexe.
Qoraal kooban oo ay safaaraddu ku daabacday barta X ee horey loogu yaqaanay Twitter ayaa lagu sheegay “Sababo la xiriira joojinta miisaaniyadeed, akoonkan X lama cusbooneysiin doono si joogto ah ilaa howlgalada buuxa ay dib u bilaabmaan, marka laga reebo macluumaadka degdegga ah ee la xiriira amniga iyo badbaadada.”
Tallaabadan ayaa muujinaysa in safaaraddu aysan bixin doonin adeegyo badan oo ay siiso muwaadiniinta iyo xiriirada diblomaasiyadeed, marka laga reebo arrimaha muhiimka ah sida amniga muwaadiniinta Mareykanka.
Xaaladdan ayaa sidoo kale saameysay safaarado kale oo Mareykan ah oo ku yaalla gobolka, sida kuwa ku yaalla Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaas oo iyaguna hakiyay qaar ka mid ah adeegyadoodii sababo la xiriira isla arrintan.