
Madaafiic ayaa waaberigii hore ee saaka lagu weeraray xarunta taliska ciidamada AUSSOM ee Xalane iyo agagaarka garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ilo wareedyo ku sugan nawaaxiga garoonka Aadan cadde ayaa sheegaya inay maqleen jugta illaa afar qarax oo ka dhashay madaafiic lagu soo tuuray xarunta Xalane saaka aroornimadii wax yar ka dib salaadii subax.
Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegteen mas’uuliyadda madaafiicda lagu weeraray xerada Xalane.
Illaa hadda ma jiraan warar madax banaan oo ka hadlaya khasaaraha ka dhashay weerarka Madaafiicda .