Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo maanta ka dhacay gobolka Hiiraan, kaas oo ay si wadajir u sameeyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.
Howlgalka oo ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu soo qabtay hub iyo gaari ku socday dhanka kooxda Al-Shabaab, sida uu shaaciyay taliyaha guutada 5-aad, qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay).
Taliyaha oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaca ka qaaday in hubka ay gacanta ku dhigeen uu yahay 13 qoray oo AK47, loo =na waday Al-Shabaab, laakiin ay iyagu dhex ka qabteen.
“Waxa gadaasheyda safan waa qoryo laga soo qabtay argagixisada, gaarigaan ayaa lagu siday, waana cusub yahay baabuurka iyo qoryaha saaran” ayuu yiri taliyuhu.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xogta gaarigan ay hayeen, kadibna ay u howlgaleen sidii loo qaban lahaa kuna guuleysteen, kahor inta aanu gaarin Al-Shabaab.
“Muddo laba maalmood ah ayaan haynay xogta hubkan, uuna yahay hub u gudbaayo argagixisada, kadibna gacanta ayaa lagu soo dhigay” ayuu sii raaciyay taliye Baakaay.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu baxsaday wadihii gaariga, laakiin ay la wareegeen hubka iyo baabuurka lagu waday.
“Saacaan kadib waxa hubkan la wareegay dowladda Soomaaliya awaamiirta lagu soo qabtay annaga ayaa bixinay, waxa uu u socday waxa ay ahayd argagixisada” ayuu raaciyay.