
Ciidamada Ilaalada Xeebaha dalka Jabbuuti ayaa soo badbaadiyay Kalluumeysato in ka badan bil lagu waysanaa xeebaha magaalada Berbera.
Hay’daha Amniga ee dalka Jabbuuti ayaa soo bandhigay kalluumeysatada oo gaaraya saddex, lagana soo badbaadiyay xilli ay badda cas dul heehaabayeen.
Mid kamid ah Kalluumeysatada oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Matoorka doonta ka hallaabay, taasina ay keentay in ay lumaan.
“Magaalada Berbera ayaanu ka baxnay bishii 6-12-2024, cilad baa nagu timid xaga doonta ah, matoorka ayaa naga hallaabay muddo 29 cisho ah Ayaan badda dul sabeynaynay, waxaana na soo badbaadiyay ciidamada ilaalada Xeebaha dalka Jabbuuti” ayuu yiri mid kamid ah Kalluumeysatada la soo badbaadiyay.
Sidoo kale, Taliska Ciidamada Ilaalada Xeebaha dalka Jabbuuti aya xaqiijiyay in kalluumeysatada ay dib ugu celin doonaan magaalada ay ka yimaadeen ee Berbera.