
Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa si lama filaan ah uga hadashay tallaabadii ugu dambeysay ee ay qaaday dowladda Soomaaliya ee la xiriirta dagaalka adag ee ay ku qaaday Al-Shabaabka soo galay gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ugu horreyn Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay boggaadineyso dagaalka ay wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee looga hortagayo Al-Shabaab ee ka socda deegaannada maamulka HirShabelle.
Jubbaland ayaa sheegtay in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay saaran tahay mus’uuliyad wadareed taabaneysa mustaqbalka dalka, loona baahan yahay midnimo iyo wadajir.
Sidoo kale waxa ay ku baaqday in meel la dhigo khilaafka siyaaasiga ah, loona soo jeesto sidii dalka looga ciribtiri lahaa kooxaha argagixisada ah.