
Ka dib toddobaadyo cadaadis sii kordhaya lagu saaray in uu xilka ka dago, Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka Ra’iisul Wasaaraha Canada iyo hoggaanka Xisbiga Liberal-ka ee Canada.
Iscasilaaddan waxay soo afjareysaa bog dheer oo siyaasadeed. Trudeau wuxuu xafiiska joogay tan iyo 2015, markaas oo uu xisbiga Liberal-ka dib ugu soo celiyay talada kadib muddo dheer oo siyaasadda ka maqnaa.
Trudeau ayaa sheegay inuu sii ahaan doono hoggaamiyaha illaa laga soo doorto hoggaamiye cusub oo Liberal ah.
Si kastaba, su’aalo badan ayaa horyaalla xisbiga, oo ay ku jiraan cidda xilka la wareegi doonta iyo sida ay ula tacaali doonaan doorashada federaalka ee soo socota. Haddaba, maxaa xiga?
Waxaa suurtagal ah in xubnaha xisbiga Liberal ay isku dayi doonaan inay hoggaamiye cusub u soo xulaan ka hor inta aan muddada hakinta baarlamaanka dhammaan, inkastoo aan weli la caddeyn sida hoggaamiyahaas loo dooran doono.
Caadiyan, hoggaamiyeyaasha xisbiyada federaalka ee Kanada waxaa lagu soo xulaa muddo afar ama shan bilood ah, iyada oo la maro hannaan rasmi ah oo shir hoggaamineed lagu qabto.
Isniintii, Trudeau wuxuu sheegay in hoggaamiyaha cusub lagu dooran doono “hab tartan adag, oo qaran oo ballaadhan.” Isla markiiba, madaxweynaha xisbiga Liberal-ka, Sachit Mehra, ayaa sheegay in guddiga qaranka ee xisbiga uu toddobaadkan isugu imaan doonaan kulan si loo doorto hoggaamiye cusub.
Hadda ma jiro qof si cad ugu habboon inuu beddelo Trudeau, laakiin dhowr siyaasi oo caan ah oo ka tirsan Liberal-ka, oo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Maaliyadda Chrystia Freeland, Wasiirka Gaadiidka Anita Anand, iyo madaxii bangiga dhexe ee hore Mark Carney, ayaa loo arkaa musharraxiin macquul ah.