
Dowalada Dalka Kenya aya lagu wada in maanta ay Dalka dib ugu soo celiso Ciidamadii galay xadka Dalkaasi kadib dagaalkii dhacay Arbacadii.
Ciidankaan aya galay xadka Dalkaasi uu la wadaago Soomaaliya kadib markii ay uu dhacay dagaal u dhaxeeya Ciidanka Federaalka iyo kuwa Jubaland ee Soomaaliya.
Dagaalkaasi aya sababay in ciidanku ay galaan Xadka labada Dalka kadib markii ay hubka dhigeen oo ay isku dhiibeen Ciidanka Dalkaasi.
Kenya warbaahinteeda aya sheegtay in ilaa 600 boqol oo ciidan ay gudaha u galeen Xadka Dalkaasi uu la wadaago Soomaaliya kuwaasi oo ay magan galyo ay siiyeen.
Arbacadii ayaa waxaa dhacay dagaal laba xili dhacay aroor hore iyo galin danbe kaasi oo u dhaxeeyey Ciidanka Federaalka iyo kuwa Jubaland.
Dagaalkaasi aya ka dhashay kadib markii Kismaayo ay dhacday 25kii bishii hore Doorasho ay dowlada sheegtay inuu isku caano shubay Axmed Maxamed Islaam Madoobe kaasi oo markii 3aad oo xiriir ah lagu doortay Jubaland.
Weli Xiisada aya kacsan waxaana la filan karaa in markale uu dhaco dagaal waloow ay Jubaland isku fidisay inta badan dhamaan deeganadii fariisaimaha u aha Ciidanka Dowlada Soomaaliya.
Sidoo kale Kenya ayaa ciidankii ugu badnaa soo dhoobtay xadka Soomaaliya uu la wadaago Dalkaasi,kuwaasi oo ay ku sheegtay inuu yahay Ciidan sugaya Xadka oo sababo amaan loo keenay Xadka.