Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa si cad u diiday dalab uga yimid Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, sida ay ilo wareedyo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online, waxaa waan-waanta Axmed Madoobe Muqdisho keenay Taliyaha Sirdoonka Kenya.
Axmed Madoobe ayaa codsaday in la joojiyo dhaqdhaqaaqa shuruucda doorashooyinka ee baarlamaanka Soomaaliya uu wado, isagoo balan qaaday in doorashada Jubbaland uu haki doono, isla markaana uu ogolaanayo in wadahadal uu la galo madaxda dowladda federaalka.
Axmed Madoobe ayaa farriintaan u soo dhiibay wafdi ka socda dowladda Kenya oo Taliyaha Sirdoonka Kenya Nuuradiin uu hoggaaminayo, wafdiga oo yimid Muqdisho ayaa xalay la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa, balse wax natiijo ah kama soo bixin kulamadii dhacay.
Kulanka xalay ka dhacay Muqdisho waxaa ka horeeyey kulamo wafdigaan ka socda dowladda Kenya ay la soo qaateen madaxweyne Axmed Madoobe, si loo qaboojiyo xiisadda Jubbaland iyo DF oo salka ku heysa doorashada Jubbaland.
Sida aan xogta ku helnay wafdiga Kenya ka socda ayaa Axmed Madoobe ka codsaday in wax tallaabo ah uusan qaadin ilaa inta xal looga helayo xiisadaan ama ay ka baxayaan dhexdhexaadinta, arrintaasna waa aqbalay Madaxweynaha Jubbaland.
Sidoo kale wafdigaan ayaa dowladda federaalka ka codsaday inay joojiso wax kasta oo ku saabsan doorashada Jubbaland, inta ay socoto shaqada duexdhexaadinta ah oo ay bilaabeen.
Intii ay socdeen kulamada madaxda dowladda federaalka iyo wafdiga ka socda Kenya, waxay Xasan iyo Xamse ku adkeysteen in dalkaan ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah, iyagoo hoosta ka xariiqay in aysan wax kale aqbali doonin.