
Cali Bunow Qorane oo aha gudoomiyihii hore ee Gaarisa aya shegay inuu bilaabay wada xaajodyada Xal loogu raadinaayo Xiisada ka dhex jirta Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland.
Gudoomiyihii hore ee Gaarisa aya shegay in kulamo miro dhal ah uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raiisul wasaraha Soomaliya Xamse cabdi bare,Wada hadalo guuleysatay aytuu sheegay inuu la yeeshay madaxda Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu sheegay inuu qadka Taleefoonka uu kula hadlay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam {Madoobe} wada hadaladaasi oo uu shegay in ay yihiin kuwa miro dhal ah oo guuleeystay.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in ay jiraan sidoo kale wada xaajoodyo uu la yeeshay Xubnaha caalamka ee Soomaaliya Daneeya,sida safiirada Mareykanka iyo Norway.
Xiisada jubaland ka taagan aya soo jiitameysay tan iyo markii uu qabsaday doorasho ay diidan tahay Federaalka Axmed Madoobe taasoo sababtay in kala taga labada dhinac uu bilowdo dagaalna uu ka dhex dhashay labada dhinac.
Marka laga soo tagio wadahadaladan waxaa sidoo kale horay u fashilmay qorsho heshiisiin ah oo ay waday Dowlada kenya si gaar ah taliyaha Sirdoonka Dalkaasi kaasi oo kulamo u imaaday Muqdisho iyo Kismaayo.