
Faah faahino ayaa ka soo baxaya Qarax ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Sida wararku sheegayaan qaraxa ahaa miino waxa uuna ka dhacay Dalcada laamiga degmada Kaxda, waxaana goobta qaraxa ka dhacay xilligaasi ku sugnaa Dhalin yaro halkaasi isaga duubayay muuqaalo oo la sheegay in qaarkood waxyeelo soo gaareen.
Inta la xaqiijiyay afar qof oo shacab ah ayaa dhaawacyo culus kasoo gaareen qaraxa, waxaana dadka dhaawacyada soo gaareen isugu jireen wiilal iyo gabdho, kuwaa oo loola cararay xarumo caafimaad oo xaaladooda lagula tacaalayao.
Ciidamada amaanka ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaanno aan wax natiijo ah wali laga soo saarin, waxaana dadkii waxyeelada soo gaartay u gurmaday ciidamo iyo dad kale oo shacab ahaa.
Goobta uu galabta qaraxa ka dhacay ayaa kal hore qarax nuucan oo kale oo ka dhacay waxaa ku dhintay dhallinyaro muuqaalo Tiktok isaga duubayay, goo