
Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee soomaaliya ayaa qaaday qorsho culus oo lagu xoojinayo ammaanka magaalada Baydhaba ee xarunta ku meel gaarka ee koonfurgalbeed.
Talaabadan aya waxaa looga gol leeyahay si looga hortago weerarada ay xiliyada qaar Al-Shabaab la beegsadaan garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud, xeendaabka Madaxtooyada iyo saldhigyada ciidamada ee magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in haatan Koonfur Galbeed ay heegan buuxa gelisay ciidamadeeda oo lagu arkayo gudaha iyo bannaanka magaalada, iyaga ka wada dhaq-dhaqaaq xoogan.
Ciidamadan ayaa si gaar ah uga hortagaya weerarada hoobiyeyaasha loo adeegsado ee ay Al-Shabaab ku qaadaan gudaha magaalada Baydhaba oo xarun KMG u ah Koonfur Galbeed.
Dadka deegaanka ah ayaa sheegay in la xoojiyay ciidamadii ku sugnaa gudaha magaalada, waxaana lagu kordhiyay kuwa kale oo baro cusub ka sameystay Baydhaba iyo agagaarkeeda.
Taliyaha ciidanka Daraawiishta Koofur Galbeed Gaashaanle Sare, Isaaq Cali Isaaq (Maadey) oo ay wehliyaan taliyaha Booliiska iyo saraakiil kale ayaa tagay qaar kamid ah saldhigyada cusub ee ciidankaas, iyaga oo u kuurgalaya howlgallada lagu sugayo amniga magaaladaasi, waxayna ciidamada ku dhiirageliyeen inay ka feejignaadaan weerarada kooxda Al-Shabaab.
Ujeeda ugu wayn ayaa ah in ciidamada ay isha ku hayaan amniga magaaladaan oo mar dhow martigelin doonto doorashada maamulka, walow uu ka taagan yahay muran xoogan.
Baydhaba ayaa kamid ah magaalooyinka go’doonka ay geliyeen Al-Shabaab oo inta badan gacanta ku haya deegaannada u dhow magaaladaasi, taas oo dhibaato ku ah dhaq-dhaqaaq magaaladaasi, siiba ganacsiga iyo isku socodka guud ee dadka iyo gaadiidka.
Koonfurgalbeed Soomaaliya aya ka mid ah maamulada dhawaan la qaatay dowlada Soomaaliya qorshaha Doorasho ee qof iyo codka ah kadib maalmo qilaaf ah oo maamulka Iyo Villa Somalia ka dhex jiray.