
Wararka ka imaana Magalada Muqdisho ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir maanta ku weerartay Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Daarusalaam Guure Maxamed Xirsi kaasi oo uu dhaawac soo gaaray.
Wararka aya waxaa ay intaasi ay kusii daraayaan in sidoo kale ay kooxda hubeeysan ay dileen Wiil kale oo la sheegay in uu Ganacsade ahaa.
Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno ilaha kala duwan, Wiilka dhintay ayaa lahaa mid kamid ah Goobaha lagu jimcisado ee loo yaqaan Jiimka (Gym), waxaana weerarkaan ku qaaday Koox hubeysan oo Hay’adaha ammaanka ku raad-joogaan.
Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray ciidamo katirsan kuwa ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo billaabay baaritaan la xiriira ka dabatagga falkaan inkasta oo aanay jirin wax faah-faahin ah oo kasoo baxay.
Daash Soomaali tv aya sidoo kale heley xog sheegeysa in kooxda dilka geeysatay ay horay u wadatay Gaariga Gudoomiyaha la dhaawacay,iyadoo la sheegay in uu baxsaday ama goobta uu ka cararay Istaafkiisa gaarka ah.
Ciidamada Dowlada aya wada baaritaano kala duwan kuwaasi oo ay ku raad joogaan kooxdii dilkaasi fulisay.