
Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa kumanaan askari ku daabulay magaalada xuduudda ku taalla ee Feerfeer, ayaga oo ku soo wajahan si ay uga qeyb qaataan howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya maleeshiyaadka deegaanka iyo saaxiibbada caalamiga ah, ayaa ku howlan dagaallo dib u xoreyn ah oo lagu doonayo in dib loogu la wareego dhul ay horey u maamulayeen Al-Shabaab.
Hawlgalka militari ee Itoobiya ayaa daba socda heshiis iskaashi oo dhanka amniga ah oo ay labada dal gaareen, kaasoo si gaar ah diiradda u saaraya la-dagaallanka Al-Shabaab.
Wasiir Jaamac ayaa xusay in iskaashiga militari ee labada dal uu ku saleysan yahay heshiiskii Ankara, kaasoo hagaya wada-shaqeynta amni ee Addis Ababa iyo Muqdisho.
Bishii hore, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiis u oggolaanaya ciidanka ENDF in ay ka howlgalan gudaha Soomaaliya iyagoo ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Iskaashigan amni ee dib loo cusbooneysiiyay ayaa yimid kaddib markii xiriirka labada dal uu soo hagaagay, ka dib khilaaf sannad socday oo salka ku hayay heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya ay la gashay Somaliland ee la xiriiray marin badeed helista.
Iskaashigan cusub ee militari wuxuu muujinayaa isbeddel istiraatiiji ah oo ay labada dal sameynayaan si ay u xakameeyaan dib usoo kabashada Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya.
Keenista ciidanka Itoobiya ee Feerfeer iyo duqeymihii ugu dambeeyay waxay muujinayaan mowqifka adag ee Itoobiya ay ka qaadaneyso sidii ay uga hortagi lahayd in saameynta Al-Shabaab ay u gudubto gudaha dhulkeeda.
Daabulaadda ciidamadan ayaa timid maalmo un kaddib markii diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay duqeeyeen bartilmaameedyo Al-Shabaab oo ku yaalla Shabeellaha Dhexe, sida uu Khamiistii xaqiijiyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.