
Liverpool ayaa ogolaatay qiimaha galay rikoorka suuqa kala iibsiga ah ee Ingiriiska oo dhan 125 milyan ginni si ay ula soo wareegto weeraryahanka Alexander Isak oo u cayaara kooxda Newcastle United.
Ilo wareedyo ku dhow heshiiska ayaa BBC-da qeybta isboortiga u sheegay inuu haatan hir galay heshiis uu xiddiga Sweden ugu wareegayo Anfield.
Isak ayaa la filayaa inuu tijaabada caafimaadka maro isniinta manta ah, ka hor inta uusan saxiixin qandaraas lix sano ah.
Liverpool ayaa laga soo diiday dalabkii hore ee ahaa ee 110 milyan ginni bishii August laakiin haatan waxa ay qarka u saaran tahay in ay la soo wareegto xidiigii ay koowdii dooneysay xagaagan.