
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Isbitaalka ku booqday Ciidamada ku dhaawacmay howlgallada ka socda buuralayda, Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Caafimaadka iyo guddiga taakulaynta Ciidamada, wuxuuna faray in la dardargeliyo daaweyntooda si dhameystiran dalka iyo Hadii loo baahdoba dibadda .
Madaxweynaha ayaa boggaadiyey dadaalka bulshada, hawlwadeennada Caafimaadka , Warbaahinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
“Ma jirto cid xabbad Kaniini nagu caawisay marka laga tago duqeymaha, waxaan la dagaalameyno waa ajanabi nagu soo duulay” ayuu Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni
Ugu dambeyn, waxaa uu sheegay in maleeshiyaadka ugu badan ee la dilay intuu socday howlgalka in ay ajanabi yihiin, isla markaasna ay sii wadi doonaan howlgalka.