
Madaxweynayaasha Maaamulada Puntland iyo Jubaland, Axmed Madoobe iyo Siciid Cabdulaahi Deni oo ku wada sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu wadaa in ay halkaasi ku yeeshaan Kulan gaar ah oo ay uga hadlayaan xaalada Soomaaliya .
Wararka ayaa sheegaya in labada mas’uul saacadaha soo socda Nairobi ku yeelan doonaan Kulan aysan cidna ku wehelin oo ku saabsan marxaladda taagan ee dalka, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dadaallada socda ee lagu doonayo dhmmeeynayo murankaasi.
Labada Madaxweyne ee Deni iyo Axmed Madoobe ayaa dhawaan ka soo laabtay waddanka Imaaraadka Carabta, oo ay si wadajir ah ugu la soo kulmeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda UAE oo dhex-dhexaadinayay khilaafkii siyaasadeed ee labadan hoggaamiye iyo Villa Somalia.