
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa berri oo ah 26ka Janaayo waxa uu safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu ku guuleystay kursiga Madaxweyne ku aadaya Isutagga Imaaraatka Carabta.
Cirro waxa uu kamid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka ee Somaliland ee marar badan Maamulkii Muuse Biixi Cabdi ku dhaliilay safarka Imaaraatka iyo diidmada uu kala hortagay socodsiinta heshiisyo kala duwan oo ay wadagaleen xiligaas.
Imaaraatka Carabta ayaa daneynaya in uu hoos u daadiyo siyaasadda uu ku wajahayo Maamulka Somaliland Gobollada Waqooyi Jamhuuriyadda Soomaaliya maadaama uu meesha ka baxay Muuse Biixi Cabdi oo ay isku wanaagsanaayeen.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhowaan sheegay in uu xoogga saarayo hagaajinta siyaasadda bannaanka iyo tan gudaha si loo buuxiyo boosaskii uu gaari waayay Madaxweynihii ka horreeyay ee dhowaan uu xilka kala wareegay.
Doorashadii ka dhacday Deegaannada Maamulka 13kii Nofeembar 2024 waxa uu Cabdiraxmaan Cirro helay 63 boqolkiiba codadkii ay dhiibteen Shacabka codeeyay, waxa uu sidaas kusoo afjaray awooddii Maamul ee Muuse Biixi & Xisbigiisa Kulmiye