
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay nidaamka cusub ee dowladdiisa ku hirgalisay Barnaamijka E-visa ee maalmihii la soo dhaafay sida weyn u hadal hayeen bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha oo Xalay Khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay munaasabad Xukuumadda DanQaran kusoo bandhigtay guulaha ay gaartay muddadii saddex sano aheyd oo ay jirtay ayaa sheegay inaan la aqbali doonin in dalka uu soo galo qof sida Baasboor Ajnabi ah isagoo aanan wadan Visa.
Wuxuu tilmaamay madaxweyne Xasan Sheekh in dalka uu u socdo Dijital, islamarkaana is badal lagu sameeyay adeegyo kala duwan oo ay dowladda Federaalka hore u bixin jirtay.
“Baasaboorka Soomaaliga adiga oo Fiiso heysan dal kale kuma gali kartid, sidaasi si la mid ah ayaa qof Ajanabi ah ama dhalasho ahaan Soomaali ah oo wata Baasaboor ajnabi ah u imaan karin gudaha dalkeena isagoo aan wadan Fiiso” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in qofkii wata Baasaboorka Soomaaliga aanan looga baahneyn wax Visa ah, islamarkaana uu yahay muwaadin xaq u leh inuu bilaa Visa soo galo dalka.
Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadaya, iyadoo 1-dii bishaan September dalka laga dhaqan galiyay barnaamijka E-Visa oo sharci looga dhigay dadka Ajanabiga inay dalka kusoo gali karaan dal ku galka Soomaaliya.