
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aya la sheegaya inuu ku wajahan magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.Mudane Xasan Sheekh Maxamuud aya safarkiisa uu daaran yahay Xal u helida Xiisada ka taagan magalaada Beledweyne ee Xarunta Gobolkaasi.
Xiisad xoogan oo u dhaxeeysa dadka deegankan iyo Kooxo macawiisley ah oo isbaarooyin dhigtay Wadada dheer ee Gobolkaasi aya ka taagan Hiraan,taasi oo uu ku baxay Sanbaloolshe Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.
Isbarooyinkaasi aya dhibaato ku dhaliyay dadka rayidka ah kadib markii ay korotay maciishadii qutaldaruuriga shacagka Hiiraan.
Sidoo kale waxaa la sheegaya in arinta ugu muhiimsan ee Madaxweyne Xasan Sheekh ugu wajahan yahay Beledweyne inay daaran tahay Raadinta xal kama danbeys ah oo loo helo xiisada dagaal beeledka ka jirta Xadka Gobolkaasi.
Beelo walaalo ah oo wada daga Gobolada Hiran iyo shabeelaha Dhexe aya ka taagan Xadka Gobolkaasi,taaso ay ka dhalatay dilka dhalinyaro ka tirsaneed Ciidanka Xooga Dalka kuwaasi oo lagu dilay Ceelbaraf oo Shbeelaha Dhexe dhacda.
Madaxweynuhu aya sidoo kale la kulmi doona odayaasha iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaasi oo uu kala hadli doono in dib Dowlada loogu taageero Dadaalada dib u xureenta Dalka.
Dhawaan aya sidoo kale lagu wada in Aadan Yabaal oo shabeelaha Dhexe dhacda in uu ka dhaco Gogol lagu heshiisiinaayo beelahasi walaalaha ah ee Xiisadu ay ka dhex tagan tahay.
Gogoshaasi aya noqon doonta mid ay isugu yimaadaan Odayaasha,Siyaasiyiinta labada dhinac.