
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah uga codsaday Gudoonka Baarlamaanka in dib loo dhigo furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka oo markii hore lagu waday inuu furmo maanta oo Sabti ah, sida uu horey u shaaciyay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Farriin loo diray Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in furitaanka kalfadhigaas la qorsheeyay in dib loo dhigay ilaa 29-ka Sebtembar, taasoo ku beegan bartamaha toddobaadka soo socda.
Dib-u-dhaca kalfadhiga wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Muqdisho ay ka socdaan hadal-heyn ballaaran oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka, kuwaas oo la rumeysan yahay inay wadaan mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.