
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimo badan ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo.
Qormadan ayaan ku soo qaadaneeynaa qeyb ka mid ah wareysiga madaxweynaha oo uu marka hore kaga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo heshiiskii ay dhawaan dowladdiisu la gashay qeyb ka mid ah Madasha Samatabixinta.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay rabaan dumuqiuraadiyad in ay ka hirgaliyaan dalka iyo in dadku ay xor u ahaadaan afkaartooda iyo mawaaqiftooda siyaasiga ah.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in sanadkii 2023 in ay iskugu yeereen shirkii ugu horeeyay oo ay iskugu keeneen siyaasiyiin hore iyo kuwa hadda jooga, “waxa aanan shirkaasi uga hadlnay in dalka iyo jihada aan rabno aan u dhaqaajino, anaga oo sameeynay la tashiyo ballaaran, madaxdana la tashanay”.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in ay la kulmeen culimada iyo bulshada rayidka ah iyagoo mujtamaca oo dhan u sheegay, “jihada uu waddanku u socdo”.
Maalintaas waxa aan u sheegnay waxa ka mid ahayd “Dastuurka in dib loo eegayo oo la dhameystirayo, dalkana doorasho qof iyo cod ah in la gaarsiinayo” iyadoo doorashadii dadbaneyd laga baxayo ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud .
Madaxweynaha ayaa sheegay in farsamo ahaan howshaas la qabto ay waqti soo jiitantay, duruufo farsamo aawgeed “Hadda eyey qabsoontay”.