
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalaya munaasabad lagu maamuusayo 81 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalaya taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/G Asad Cismaan Cabdullaahi, Saraakiil kale iyo mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka oo u hambalyeeyay ciidankaan maanta dabbaaldegaya.
Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxa uu ku bogaadiyay doorka wanaagsan uu ka qaatay nidaamka iyo kala dambeynta oo la’aantood aanay suuragali lahayn sida uu hadalka u dhigay.
Booliiska Soomaaliya waxaa la aasaasay 20kii Deseembar sanadkii 1943dii, waxa uu soo maray heerar iyo xaalado kala duwan, waxaa sanadihii lasoo dhaafay ku socday dib u dhis xooggan si awooddooda loo kordhiyo.