Laba nin oo Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Abdi Yuusuf Hassan iyo Mohamed Tahlil Mohamed ayaa waxaa lagu xukumay min 30 sano oo xabsi ah kadib markii lagu eedeeyay in ay afduubteen suxufi Maraykanka ah sanadkii 2012-kii, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda Maraykanka.
Abdu Yusuf oo ah 56 jir ku sugan magaalada Minneapolis ee dalka Marayknaka iyo Mohamed Tahlil oo reer Muqdisho ah ayaa waxaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid ahaayeen afduub, argagixisanimo iyo danbiyo hub loo adeegsaday, kuwaas oo sababay in 977 maalmood ay qafaal ku haystaan suxufi Maraykan ah gudaha Soomaaliya.
Labada nin ayaa waxa la sheegay in ay xilal ka hayeen dowladda Soomaaliya ayna si xun u isticmaaleen boosaskii ay hayeen.
Sida ay muujiyeen cadeymihii la keenay dhagaysiga dacwadda, Michael Scott Moore oo ah suxufi madaxbanaan oo Maraykan ah ayaa waxa uu u safray Soomaaliya si uu xog baaris ugu sameeyo arimaha burcadda Soomaaliya iyo sidoo kale dhaqaalaha dalka.