
Waxa xalay Koox hubeysan ay xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ku dileen Agaasimaha Waaxda Arimaha Diinta ee Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Hirshabelle Dr. Maxmed Cabdi Cali
Aqoon yahan Maxamed Cabdi Cali Dr Qaalib ayaa lagu dilay farmashi uu ku lahaa Xaafada Hantiwadaag ee Magaalada Jowhar ka dib markii ay soo weerareen kooxo bastoolado ku hubeysan.
Marxuumka oo ahaa nin dhalinyaro ah isla markaana ka soo shaqeeyay xarumo kala duwan oo dhinaca caafimaadka ah ayaa waxaa si weyn uga naxay shacabka Magaalada Jowhar.
kooxdii ka dambeeyay dilka Dr. Gaalib ayaa goobta ka baxsaday hase ‘ ahaatee, Ciidamada Booliska Hirshabeelle ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay iyagoo baaritaano ka sameeyey.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Hirshabelle Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim, Cali ciiley, ayaa tacsi u direy qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumka.