Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta taliska ciidamada ee Dowladda Ciraaq, isaga oo ay weheliyaan Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdalla Cabdalla, Agaasimaha guud ee Wasaradda Amniga Yuusuf Cali iyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Ciraaq Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta, iyada oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Xuduudaha, Maxamed Cabdil Wahab Sukkar iyo saraakiil sare oo ka tirsan taliska. Intii ay booqashada ku guda jireen, wafdiga ayaa dhageystay warbixin kooban oo ku saabsan waajibaadka muhiimka ah ee talisku fuliyo.
Sidoo kale, Wasiirka iyo wafdigiisu waxay indha indheeyeen xarunta la socodka iyo xakamaynta dalka Ciraaq, halkaas oo sawirrada iyo muuqaalada laga soo duubay xuduudaha dalalka deriska ah looga soo gudbiyo xarunta dhexe ee Baqdaad, si loo fududeeyo kormeerka iyo ilaalinta xuduudaha.
Wasiirka Fartaag ayaa bogaadiyaya shaqada ay qabtaan taliska ciidamada xuduudaha Ciraaq, gaar ahaan dadaallada ku aaddan ka hortagga soo galootiga sharci-darrada ah iyo hawlaha ka dhanka ah tahriibka.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdigiisa, ayaaa maalintii shaalay gaaray magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, isaga oo halkaas kulamo kula yeeshay madax sare ee dowladda Ciraaq.