Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa diyaariyey ciidan xoog leh oo isaga ka amar qaata, kuwaas oo gaaraya 400 illaa 500 oo askari.
Ciidankaan oo ka kala yimid qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Gedo iyo dhanka deegaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa loo diyaarinayaa in Jubbaland ay iska difaacdo is balaarinta ay gobolkaas ka wado Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamada waxaa Jubbaland u Qalabeyneysa dowladda Itoobiya, sida aynu ogaaney, Itoobiya iyo Maxamuud Sayid Aadan ayaa heshiiska lagu dhisayo ciidankaas ku soo kala saxiixday magaalada Addis Ababa.
Telefishinka Jubbaland ayaa baahiyey in Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamud Sayid Aadan uu maanta kulan la qatay Guddiga abaabulka iyo isku dubarida qeybaha kala duwan ee ciidanka Jubaland ee ku sugan Gobalka Gedo, balse waxaa jira in ciidankaas diyaarintooda lasoo dhameystiray.
“Kulanka oo ay ka qeybgalen Wasiirka amniga, , Xildhibaano, Maamulka Gobolka, iyo taliyasha ciidmada ayaa Gudiga looga dhageysatay warbixinta waxaa u qabsomay iyo diiwaangelinta ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland ee Gobalka Gedo,” ayaa lagu yiri warkaan.
Kulankaan iyo qoraalka ay baahisay warbaahinta Jubbaland ayaa lagu qarinayaa qalabeynta ay ciidankaas ku sameysay Itoobiya, kadib markii ay maalmihii lasoo dhaafay diyaarintooda Doolow ka wadeen Maxamuud Sayid Aadan iyo wasiirka amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Dhuumaal.
Inkastoo Itoobiya ay heshiis la gashay dowladda federaalka oo la sheegay in khilaafkii lasoo afjaray, hadana dowladda Itoobiya ayaa weli toos u taageereysa qorshaha ay isku difaaceyso Jubbaland, halka dowladda federaalka ay dooneyso in gobolka Gedo ay kala wareegto Jubbaland, sidoo kalena meesha ka saarto Axmed Madoobe.
Magaalooyinka ugu muhiimsan gobolka Gedo ayaa gacanta u galay dowladda federaalka, sida xarunta gobolkaas ee Garbahaarey, Beledxaawo, Baardheere iyo Buurdhuubo, balse waxaa weli gacanta Axmed Madoobe ku jira Doolow, Luuq iyo deegaano kale oo muhiim ah.