
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay kalfadhiga lixaad ee furmaya maalinta Sabtiga ah, iyada oo Golaha horyaalaan howlo muhiim ah oo uu ka mid yahay dhameystirka dib u eegista dastuurka.
Guddiyada ayaa dhageystay warbixinno la xiriira Ajandeyaasha Baarlamaanka iyo sidii loo sii dardar galin lahaa qoddobada horyaalla.
“Golaha waxaa horyaalaan howlo muhiim ah oo uu ka mid yahay dhameystirka dib u eegista dastuurka, Intaasi ka dib guddoomiyaasha guddiga joogtada ayaa ka warbixiyay shuruucda ay gacanta ku hayaan iyo habraacyada u dhiman” ayaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay Guddoonka Golaha Shacabka.
Madaxweyne Xasan Shiikha ayaa lagu wadaa in maalinta sabtida uu furo kalfadhiga lixaad ee baarlamaanka oo howlo muhiim ah horyaallaan.