
Booliska soomaaliya aya soo bandhigay Cabdiraxmaan Maxamed Cumar 18jir ku eedeysan fal anshax xumo ah oo loo heysto kaasi oo ku xiran Saldhiga Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Cabdiraxmaan oo 18 jir ah aya loo heestaa inuu ku kacay fal anxumo ah kaasi oo ah inuu xirtay dharka Dumarka oo uu isku ekeeysiiyay Dumarka.
“Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar Jajab ayaa soo xiray eedeysane, Cabdi raxmaan Maxamed Cumar 18 jir ah kuna eedeysan in uu ku kacay falal Anshax-Xumo oo lidi ku ah diinteena suuban iyo Dhaqanka Soomaaliyeed” ayuu lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale taliska ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga oo ay soo sheegaan wax kasta oo liddi ku ah amniga, haddii ay la kulmaan.