
War-saxaafadeed cxalay kasoo baxay taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed , ayaa looga hadlay iska horimaadkii ka dhacay afaafka hore ee saldhigga booliiska ee degmada Wardhiigley gobolka Banaadir.
Booliiska warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in saldhigga ay joogeen Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Asad Diyaano iyo Macallin Mahdi soo weerareen maleeshiyaad ka amar qaata qaar kamid siyaasiyiinta mucaaradka.
Warka kasoo baxay Booliiska , ayaa lagu sheegay in dhaawacyo soo gaareen qaar kamid ah ciidanka booliiska, sidoo kale baxsadeen qaar kamid ah maxaabiistii ku xirneed saldhigga degmada Wardhiigley.