
Dowlad goboleedka Jubbland soomaaliya aya soo saartay waaran soo qabasho ah oo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Culusow.
Maxkamadda Darajada koobaad ee Degmada Kismaayo ayaa soo saartay waaran soo qabasho iyo horkeenis Maxkamadeed ah oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ina Suuban Sabriye Axmed ay u jartay.
“Maxkamadda Darajada koowaad ee Degmada Kismaayo waxa ay aqbashay,Codsiga sare ku xusan ee ka soo baxay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Jubbaland.”
“Sidaas Darteed, Waxaa la farayaa Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Jubaland ee warqadani sida tooska ah ugu socoto in aad soo qabatid, isla markaana horkeentid Maxkamadda Darajada koowaad ee Degmada Kismaayo Eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud Calasow ina Suuban Sabriye Axmed ku dhashay Jalalaqsi, taariikh 1955,” ayaa lagu yiri qoraalka Jubbaland.
Maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe waxay sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu jebiyey qodobo dastuuri ah, isla markaana uu ku kacay faldambiyeed lid ku ah Wadajirka iyo Midnimada Ummada Soomaaliyeed.
“Wuxuu ku kacay (Khiyaamo Qaran) iyo falal u daneenaya Codowga umadda Soomaaliyeed (Khawaarijta) xilli dagaal lagula jiro,” ayaa lagu yiri eedeynta Jubbaland ay u jeedisay Madaxweynaha Qaranka.
Sidoo kale Jubbaland waxay Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeysay in uu ku kacay falal dambiyeedyo burburin, dil iyo hurin dagaal Sokeeye isugu jira.
“Waxaa loo heystaa abaabulidda kacdoon hubeysan oo lagu burburinayo nimaadka dastuuriga ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka uu caawa soo saaray maamulka Jubbaland.
Amarka kasoo baxay Jubbaland aya imaanaya iyadoo ay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay shalay soo saartay waaran soo qabasho ah oo ka dhan ah Axmed Maxamed Islam axmed Madoobe,ka dib amar kasoo baxay Maxkamada Gobolka Banaadir.