
Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya XFS , Cali Cumar Cali (Balcad), ayaa la kulmay Senatorka Maraykanka Ted Cruz oo kamid ah dadka u ololeeya aqoonsiga maamulka Somaliland.
Wasiir Cali Balcad ayaa uga mahadceliyay Cruz kulanka, isagoo adkeeyay kaalinta Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga Geeska Afrika.
Wuxuu sheegay in taageerada joogtada ah ee Mareykanka ay muhiim u tahay in laga adkaado Al-Shabaab isla markaana lagu sugo marin-biyoodka ganacsiga ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
“Aan xoojino iskaashigeenna si Soomaaliya u noqoto mid xasilloon oo barwaaqo ah,” ayuu yiri wasiirka Balcad. Wuxuuna ka gaabsaday inuu xaqiijiyo in arrinta aqoonsiga Somaliland laga hadlay kulanka.
Cruz dhawaan ayaa ku booriyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in uu aqoonsado Somaliland, isagoo tusaale u soo qaatay doorashooyinkeeda nabadeed iyo goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo Somaliland.
Wuxuu ku dooday in Somaliland ay noqon karto xulafo amni oo Mareykanka ah haddii ay martigeliso saldhig ciidan oo Maraykan ah meel u dhow marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Baabul-Mandab.