
Maamulka Jubaland aya weli wada dadaalada uu ku doonaayo in uu garab kaga helo xiisada kaga furan dhanka Federaalka ka dib markii uu wada hadalo u biloowday Dowalada Itoobiya.
Magaalada Addis Ababa waxaa ka dhacay kulamo dhexmaray Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Taliyaha Ciidanka Itoobiya Field Marshal Birhanu Jula iyada oo faah-faahin laga bixiyay natiijada kasoo baxday.
Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in kulankaan diiradda lagu saaray dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ si gaar ah qaabkii looga saari lahaa deegaannada ay ka joogaan Dowlad-Goboleedkaas sida hadalka loo dhigay.
Maxamuud Sayid Aadan iyo Taliyaha Ciidanka Itoobiya ayaa ku wadahadlay in diiradda la saaro la dagalanka ‘AS’ iyada oo arrintaan lagu soo beegay wadahadalkii kaddib iyo khilaafka Maamul Goboleedkaan kala dhexeeya Dowladda Dhexe.
Dhowr jeer sidaan oo kale ayay uga wada hadleen dagaallada ka dhanka ah ‘AS’ Balse ma jirto tallaab arrintaas la xiriirta oo ay qaadeen Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo saraakiisha ciidanka Itoobiya ugu sarreeya.