Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Ergayga joogtada ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee Qaramada Midoobay Zénon Mukongo Ngay.
Danjire Zénon & Wasiir Axmed Fiqi ayaa diiradda saaray xoojinta xiriirka labada Dal, Horumarinta Siyaasadda, Amniga Afrika & sidii Soomaaliya ay uga faa’iideyn lahayd kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ku sugan Dalka Maraykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiin kala derajo duwan, waxa ay xoogga saareen xiriirka ay wadaagaan.
Fiqi ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Maraykanka waxa uu la kulmi doonnaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalkaas, halka uu ka qaybgalayo 25ka Bishaan ka qaybgali doonno munaasabad lagu daahfurayo Hay’ad fadhigeedu yahay Columbus Ohio.