
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Davos ee Dalka Switzerland ku guddoomay abaalmarinta hoggaamineed ee Afrika oo ay bixiso Africa House, abaablmarintaan waxa uu ku muteystay waxqabadka Dowladda.
Horumarinta Dowlad-dhiska, deegaannada dib looga qabsaday ‘AS’ & Dedaalladii dheeraa ee daynta looga cafiyay Soomaaliya ayaa waxyaabaha loogu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu sanadkaan ku guuleystay abaalmarintaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay Afrika House, waxa uu aad ugu farxay abaalmarintaan, waxa uu ku tilmaamay sharaf usoo hoyatay Soomaaliya sida uu yiri.
“Abaalmarintan waa aqoonsi ku aaddan adkaysiga, geesinnimada, iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed. Aad baan ugu faraxsanahay oo sharaf weyn bay ii tahay inaan guddoomo abaalmarintan, aniga oo u hibeynaya shacabka Soomaaliyeed” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.