
Wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay digniin dhanka socdaalka ah oo sheegeysa in aan loo safri karin Soomaaliya.
Heerka digniinta ayaa ah mid aad u sareysa marka la fiiriyo numbarka la siiyay oo ah kan afaraad, sida ay qabaan qubarada amniga qaar.
Qoraal la soo dhigay bogga wasaarada Arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay dhowr sababood in aan loo tagi karin Soomaaliya.
Dambiyada dhici kara oo ay ka digeen Mareykanka waxaa ka mid ah falal argagixiso, kacdoon shacab iyo afduub.
Waxayna sheegeen in adeegyada loo baahnaa haddii ay waxaas dhacaan aysan u heli karin dadkooda.
Khataraha jira dartood ayey dowladda Mareykanka ka mamnuucday shaqaalaheeda ka shaqeeya gudaha Soomaaliya in aysan u safrin meel ka baxsan garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaas oo safaarada Mareykanka ay ku taal. Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa si caadi ah howlaheeda u wadataa.