
Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa xaqiijiyay in ciidammadii Burundi ee fadhigoodu ahaa deegaanka Xawaadley ee Waqooyi Bari ee Caasimadda Muqdisho si nabad ah looga saaray, kaddib markii ay daadad xooggan ka dhaceen aaggaas.
Intii lagu guda jiray daad guraynta Isniintii, mid ka mid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca ayaa la kulmay cilad farsamo. Si kastaba ha ahaatee, iyadoo caqabaddani ay jirto, duuliyayaashu waxay si xirfadaysan u maareeyeen diyaaradda si ay si nabad ah ugu degto.
Dhammaan ciidammadii iyo shaqaalihii diyaaraddaasi saarnaa ayaa lagu guuleystay in loo daad gureeyo saldhigga ugu dhow ee ciidanku leeyahay ayaa lagu yidhi qoraal lagu daabacay barta ay ciidammada AUSSOM leeyihiin.
“Waxaan bogaadineynaa tallaabada degdegga ah ee ay qaadeen ciidamada AUSSOM ee Burundi intii ay ku guda jireen howlgalladan xasaasiga ah, waxaanan mar kale xaqiijinaynaa taageerada aan sii wadno shacabka iyo dawladda Federaalka Soomaaliya si loo yareeyo saameynta fatahaadaha,” ayuu yidhi Kareem Adebayo, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya.