
Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo culus oo ciidan laga dareemayo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, halkaas oo la’isugu geeyay ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa maamulkaasi.
Saciid Deni ayaa ciidamo ka tirsan kuwa difaaca ee maamulkaasi oo wata gaadiidka gaashaaman ku daabusha deegaanka Kala-bayr ee hoostaga magaalada Boosaaso, iyaga oo halkaasi ka sameystay farriimo ciidan oo cusub.
Ciidamadan oo ka kala yimid gobollada kala duwan ee Puntland ayaa ujeedka la’isugu soo aruuriyay waxa ay tahay inay ka qayb-qaataan howlgallo ka bilaabanaya gobolka Bari oo Puntland ay dooneyso inay ku beegsato kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee buuraha Gobolkaasi ku dhuumaaleeysanaayo.
Boosaaso aya waxaa si weyn ugu xooogan ciidanka PSF ee maamulka Puntland kuwaasoo ay dhowr jeer uu dhex maray dagaal ciidan taabacsan Saciid Deni,kuwaasoo ku dhex maray boosaaso.
Ciidankaasi aya waxaa heysta qooyska Reer Diyaano ee Taliyaha Booliska Soomaaliya Asad Diyaano,walaalkii kuwaasi oo ah mid ka mid ah ciidanka ugu awooda badan ee Puntland.
Qorshaha maamulka Saciid Deni ayaa ah in ciidamadan ay guluf ku qaadi doonaan kooxaha ku dhuumaalaysanaya buuraleyda Calmadaw iyo Calmiskaad ee bariga Puntland, halkaas oo ay ku sugan yihiin unugyo ka tirsan kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish.
Saraakiil katirsan ciidanka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay u diyaar u garoobeen howlgallada bilaabanaya, sidoo kalena ay la dajiyay qorshaha weerarada ay ku qaadi doonaan fariisimaha ay degan yihiin kooxaha nabad diidka ah ee ku sugan halkaasi.
Go’aankan lagu dagaal gelinayo ciidamada Puntland ayaa waxaa dhawaan qaatay madaxweyne Saciid Deni oo sheegay inay iska xoreyn doonaan argagixisada, waxaana ka caawin doono howlgalladaas, qaar kamid ah saaxiibada caalamiga ah ee ka gacan siiyay ammaanka.
Horay Puntland ayaa uga digtay shacabka inay fogaadaan meelaha ay joogaan xubnaha Al-Shabaab iyo Daacish, si aysan waxyeelo uga soo gaariin beegsiga kooxahaasi.
Si kastaba, ciidamada Puntland iyo kooxaha hubeysan ayaa marar badan ku dagaalamay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, oo ay ku yaallaan godad waa wayn oo ay ku dhuumaaleystaan argagixisada, halkaas oo hadda la qorsheynayo in laga tirtiro kooxahaasi.