Xogo soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay soo saartay amar ka dhan ah qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo loo gudbiyay saraakiisha ku sugan garoonka Muqdisho.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, xildhibaannadaasi ayaa ah kuwa kasoo jeedo dhanka deegaannada Jubbaland, waxaana kamid ah Xasan Yare oo dhowaan buuq ka sameeyay kulankii ugu dambeeyay ee baarlamaanka, isaga oo feeray askari ku sugnaa xarunta.
Saraakiisha gacanta ku haysa garoonka ayaa loo geeyay liiska xildhibaanno uu ku jiro Xasan Yarare oo loo yaqaan Firinbi, iyadoo loo sheegay in aanay ka dhoofi karin garoonka.
Arrinta ayaa salka ku hayso gacan qaadkii todobaadkii hore ka dhacay gudaha xarunta baarlamaanka iyo xiisadda kasii dareysa ee ka taagan Jubbaland,
Dhinaca kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna Sabtidii shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa qiray inay jirto xildhibaanno ay dowladda warqad ka dhigtay garoonka Aadan Cadde, si loogu sameeyo xanibaad dhanka socodka ah.
Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo wayn, isla markaana u dhexeyso Villa Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.