Diyaaradaha u kala goosha gudaha dalka ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin laga billaabo maalinta berry, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shir ay maanta iskugu yimaadeen dhamaan Madaxda shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed ee ku midaysan ururka (AOA), iyaga oo ka hadlay caqabado ay sheegeen in ay wajahayaan.
“Laga bilaabo berri oo Arbaca ah taariikhduna ku beegan tahay 22 Jan, 2025 waxay gabi ahaanba shirkada diyaradaha Soomaaliyeed joojiyeen dhammaan duulimaadyadii gudaha dalka iyo dibadda ay ku tagi jireen ilaa xal laga waara laga gaarayo” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale, sababta ay u joojiyeen duulimaadyada ayay ku sheegeen in ay shaqada ka wadi waayeeen Wasaaradda Gaadidka iyo Hay’adda Duulista Rayidka Somaliyeed.