
Dalka Maraykanka waxaa lagu xukumay Mukhtaar Maxamed Shariif oo ah Nin Soomaali ah kuna eedeysan in uu isdabamarin ku sameeyay lacag dhan $250 Milyan oo doollar oo uu u uruuriyay qorshihii dhinaca hantida Dadweynaha ee COVID-19.
Mukhtaar ayaa horay isaga fogeeyay jiritaanka eedaha loo jeediyay, waxaa la eedeysnaa in ka badan 60 ruux oo kale kuwaas oo loo heysto in ay lunsadeen dhaqaale ay kasoo uruuriyeen bulshada Maraykanka si looga hortago cudurkii aafada noqday Coronavirus.
Lacagtaas la sheegay in xatooyo lagu sameeyay waxa ay xeer ilaalinta kiiskaan kusoo oogtay ku tilmaamay in lagu iibsaday Gawaari nooca raaxada ah, hanti ma guurto ah iyo maalgashi dibadeed oo aan carrabka lagu dhufan goobta rasmiga ah.
Mukhtaar oo heysta dhalashada Soomaaliya iyo Ameerika ayaa kamid ahaa dhallinyarada firfircoon ee dardarta lasoo baxay xiligii xayiraadda dunida ka jirtay 2019-2020 si looga hortago halista faafitaanka Cudurka safmarka noqday ee Covid-19.