Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo dib u doorashadiisa ugu dambeysay ay kahor timid Dowladda Federaalka ayaa maanta u safray Magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.
Axmed Madoobe oo dib u doorashadiisa laga joogo bil iyo saddex todobaad ayaa safarkiisii ugu horreysay maanta oo sabti ah uga ambabaxay Magaalada Nairobi halkaas oo kulamo kula qaadan doonno Mas’uuliyiin katirsan Dalkaas, Ganacsato, duubabka dhaqanka & Dad kale.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Magaalada Nairobi waxa uu ka billaabi doonnaa kulamo looga hadlayo xaaladda Dowlad-Goboleedka Jubbaland, xiriirka xumaaday ee Dowladda Federaalka & kaalmada beesha Caalamka siiso Maamulkiisa.
Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu Magaalada Nairobi kula kulmi doonnaa qaar kamid ah Odoyaasha dhaqanka ee jooga Magaaladaas si uu ugala hadlo khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Dhexe.